Baaq: Xabad joogin iyo wada xaajood ku aadan mashaqada Boosaaso.

Baaq: Xabad joogin iyo wada xaajood ku aadan mashaqada Boosaaso.

Uncategorized 2021-12-26 150

Baaq: Xabad joogin iyo wada xaajood ku aadan mashaqada Boosaaso. Tixraac: PDF/MDC/01255 

Gollaha Qurbajoogta Puntland (PDF) wuxuu aad uga xunyahay dagaalka ka dhacay Xarunta Ganacsi ee  Puntland ee Boosaaso. 

Golluhu wuxuu ka tacsiyaynaynaa dhamaan cidii ku wax yeelowday dagaalkaasi, cidii ku dhimatayna naxariis Eebe u rajaynayna, cidii ku dhaawacantay ciidan iyo shacabna u rajaynayna inuu boogaha Eebe  dhakhso ugu dhayo.  

Shacabka Puntland waa dad wada dhashay oo ku caana ilaasashada nabadda iy dowladnimada. Sidaa  awgeed, Golluhu isagoo ka duulaya dareenka Shacabka gudo iyo dibabda, isagoo eegaya muhiimada ay  leedahay ilaalinta amniga, midnimada iyo wadajirka Puntland, isagoo ka danqanaya marxaladaha xun ee  abaareed iyo amni daro ee dalka ka jirta, isagoo ka xun in ciidankii halka dhinac kasoo wada jeeday ee u  heelanaa difaaca Puntland ay cadaawad dhexmarto ayaa; 

1. Golluhu  wuxuu soo dhawaynaynaa xabad joojinta Dowladu ku dhawaaqday, anagoo rajaynayna in xal  nabadeed oo waara laga gaaro mashaqadan.  

2. Waxaan hogaanka iyo ciidanka PSF usoo jeedinaynaa in ay u hogaansamaan dowladnimada iyo  dhowrista sharciga, una turaan shacabkii ay shalay naftooda u hurayeen.  

3. Waxaan Dowladda iyo Hogaankeeda ugu baaqaynaa: in ay dulqaad dheeri ah muujiyaan,  shacabka ay hogaanka u hayaan u turaan, ayna magaalada halbowlaha ganacsi u ah Puntland amnigeeda iyo hantideeda ilaaliyaan. 

4. Waxaan Issimadda Puntland ugu baaqaynaa: inay doorkoodii odaynimo iyo maslaxo katalinta  ee arintaan uga aadan gutaan, si cadaalad, dhex-dhexaadnimo iyo samo-ka-talis ku salaysana  howshaan u galaan degdegna usoo afjaraan. 

5. Waxaan Bulshada reer Puntland ugu baaqaynaa: in ay u hiiliyaan talaabo kasta oo lagu  adkaynayo degenaanshaha amniga iyo kala danbaynta Puntland, kuna boorinayna inay ka  dheeraadaan caadifadda, colaad hurinta iyo hadaladda xanafta leh ee sii hurin kara colaad iyo  khilaaf.  

Guddigga Isgaarsiinta & Xiriirka Bulshada 

Pdf.media@puntlanddiasporaforum.org - http://www.puntlanddiasporaforum.org

 

Leave your comment